Friday, June 22, 2007

Waxaan la hureyn horaa loo yeelaa

Waxaan la hureyn horaa loo yeelaa waa odhaah hodan ah oo waxsheeg iyo tusaaleba leh. Aleylehe hadal waa intii hore loo yidhiye si adag ma ku bartey (learned the hard way). Maanta nafteydaa jeclaatey in aan kusoo qoro maqaalkan afkeena hooyo ee hodanka ah ee aan cudurdaartee dhowr jeer baa la iigu dhawaaqey inaanan ku fiicneyn qoridda xarfaha laban laabma ee hadii aan qori waayo laban laabka, fadlan akhriska ku laban laaba.

Qoraalkan oo aan uga cinwaan dhigey odhaahdaa tayada le wuxuu ku saabsan yahey sheeko run ah oo igu dhacdey. Sheekadaas oo tashi iyo wadal hadal ka dhex dhalisey aniga iyo nafteyda. Inkastoon ka adkaadey, hadana qamuumtii ey igu beertey ayaa markiiba ku boodey, ileen ninba meel baa durmaan looga tumaaye, in aan sheekadaas Awdal ku tilmaamo. Xaga ey ka khuseysana sheekadaad kala dhex baxeysiine aan bilaabo.

Baaburr amma gaadhi kolba sida loo yaqaano oon leeyahey maaha cuseyb mana aha duug oo waa meel dhexaad. Wuu ka adag yahey adeeg maalmeedka iyo shaqo ku taga iyo socdaalada gaaban. Waa daneeye jabidu ku yartahey oo aan iiga dhicin “Mercedes”.Waa tayaale qabowga Kanada iga difaaca, kuleylkana iga qabooja.

Daneeye, waa magaca aan u bixiyee, wuu ila saayiri waayey bishii u danbeysey. Socodkiisa ma gaabine lugahaa (tires) laga galey. Habeenkii eebe keenaba hawadaa ka baxeysey oo aroortii marka aan shaqo tagga bilaabo ayaan ugu tagayey laba taayir oo aad u naaqusan. Waan kaxeeyaa oo waxaan la tagaa geerij (garage) ii dhow oon ka buuxiyaa. Maalinta oo dhan wuu hagaagsan yahey oo masii deynayo hawada.Aroortii markaan baxayo labadiiba wey naaqusan yihiin.Bishii u danbeysey maalin nololeedka ayey iiga mid noqotey inaan sii tukubiyo ilaa geerijga, buuxiyo oo maalin oo dhana wanaag ku socdo.

Dhowr maalmood oon geeyey meelaha laga sameeyo, kolba wax yar baa la iigu nabaa oo lacagna la iga qaataa. Mahagaagee tixanihii halkii buu ka socda. Dhowr kii maalmood ee u danbeeyey waxaan dareemey inuu ninkii geerijka lahaa il kulul igusoo eegayey. Waan dareemey inuu karaahiyeystey imaatinkeyga. Nafteyda markaan la tashadana waxey u arkeysey iney sahaala tahey oonan u baahneyn inaan badalo oon iibsado taayiro cusub. Dhawr jeer buu isku dayey geerij le inuu iga iibiyo taayiro. Laakiin nafteydii yeeli weydey. Ninkii waan isku xumaaney oon ka dareemey inuu diidanyahey inaan hawadiisa ka isticmaalo. Shaley aniga oo sii tukubinaya daneeye ayaan ku tashadey inaan u dhaafo ninkaa wixiisa oon hada gadib u wareego geerij kale oo in doora ii jira. Go’aan baan ku gaadhey inaan markan indhaha isku qabto oon ka buuxsado laakiin wixii ka danbeeya iska daayo.

Waxaan daneeyi sii tukubiyaba, markaan gaadhey ayaan arkey geerijkii oo xidhan ood moodaba in laga guurey. Nusa saacad kadibna balan baan la lahaa macmiil (customer) oo aan kala saxeexaneyney qandaraas (contract). Talaa igu cadaatey. Waxaan ku goostey inaan daneeye sii tukubiyo oon tago geerijkii kale. Markaan ku dhaqaajey ayaan canaan baaburkii ku bilaabey. Waxaan idhi daneeyow dhinacna u dhici weyday. Fadhiisani weydey hagaagine weydey si aan goa’aan kaaga gaadho. Tukubkan maxaad ku jeclaatey ma Awdal baad tahey. Nafteydiibaan ku jeestoo waxaan idhi nafyahey maxaad u garan weydey dantaada ood mustaqbalka dhow iyo ka dheerba uga fikiri weydey oo wixii manta jooga uun arintaada ugu deysey. Naftiibaa jawaabtoo tidhi; Suleymaanow ma garani waayine Gadabuursi baan ahey oo mustaqbalka dhow iyo ka dheer eed sheegeysaba xasuustiisa Adel baa iigu dabeysey. Tukub kiibaan ku gaadhey geerijkii kale. Markaan meeshii hawada joogsadey een ku foorarsadey tuunbadii hawada ayaan arkey ruux I dul taagan. Saraan u eegey, mise waaba kii geerijkii hore lahaa ee I karaaheystey Ileen war baanan ogeyne mehered lihii baa geerijkan usoo wareegey. Wuxuu iigu dhawaaqey inuu taayiro noocii ugu danbeeyey uu hayo hawadiina lacag noqotey. Waan qosloo waxaan xasuustey; “halkan lug halkaana lug meel walba waan kaaga horeyn, odhaahdii xildhibaanadii golaha Somaliland.

Waan ka dhaqaaqey aniga oo sii le waxba kaa iibsani mayo hawadaadana ma doono ee salaamu caleykum. Aniga oo arintaa ka xumaadey ayaan nafteyda u sheegey aleylehe waxaan la hureyn horaa loo yeelaa.. Taleefankeygii (mobile) ayaan lasoo baxey oon u yeedhey geerijka wareega (mobile geerij) aniga oo nafteydii cunaya oo u sheegaya kol hadii wanaagii hore u garanweydey waa waxey ka gurtaa. Waa la ii yimid oo laba taayir oo cusub ka iibsadey oo halkii lagu galiyey. Lacagtiina laban laab igu noqotey. Walee hadal waa intii hore loo yidhi …. Waxaan la hureyn horaa loo yeelaa ……

Sheekadii tukubkeyga sidaas baan ku dhameeyeye, qiyaasteedu miyeyna Awdal teena aheyn. Tukubkaa Awdal ey u tukubeyso geerijkaasi egteeda inta aan laga xidhan amma looba diidin laba mid baa u haboon; in ey hantiile buuxa ahaato (full partner) si aanan loogu diidi Karin amma ey qiimo iyo tayo meel walba ay ku gaadhi karto la timaado si eyna ugu hantaaqmin geerijkaa kale ee la dhisaayo.

Mid kale baan dulmarayaaye raali ha la iga ahaado. Maqaalkii Faadumo Muxumed Waaberi ee madaarka Borama oon akhriyey aad baan uga xumaadey dhibaatada iyo sharci darada iyo dulumka lagu hayo yada iyo Awdal. Waxaanse la ogeyn malaha iney Awdal ba tahey ku meel gaadh lafteeduba. Hadaan wadajir wax loo qabsana dhibaatadu waa wax sii socon. Waa hubaaloo waxoo dhanba qalabaa gadis weeyee odhaahyadan bal ila eega:

Cigaal wuxuu yidhi:

“ Cigaal baa madaxweyne ah Berbera ku lumin meyso xaqeeeda.”

Siilaanyo wuxuu yidhi:

“cidida uskageedna ku dhaho xukuumaddu wax ay u qabatay magaalada Burco iyo xarunta gobolka Togdheer ma jirto”

Rayaale wuxuu yidhi:

“ ……………………. “

A. C. Afyare wuxuu yidhi:

“Ninba dhariga kiisoo rabaa inuu dhadhaartaaye ….”

Faadumana waxey tidhi:

“orodnay oo orodnay oo orodnay oo orodnay oo orodnay oo orodnay …….”

Badhadhe wuxuu yidhi:

“ma idinka oo M/wenihii haysta ayaad diideen?” waa arintii adhiga.

Caateeyena wuxuu yidhi:

“ Anaa Awdaltey…….”

Tanna waa iga digniin:

Meelba yaa isla gaadhey, marka ay dhamaato mudadaa la sugaayi ……….


Xasuus: Dunidu waa dimuqraadiye qof walowba sidaad toonto u buuxso.


Suleiman Abdi Dugsiye
Ottawa

No comments: