Friday, December 4, 2009

Walaalkii loo xiiryow adna soo qoyso

Tan iyo maalintii SomaliLand calankeeda la taagay, dad badan bay ku cuslayd arintaasi oo garanaayay inay qulatayn tahay aan wayso galayn. Dadkaasi dacwadoodu waxay saldhigaysay inaanay cadaalad ku dhisnayn islamarkaana meel dheer wax ka arkaayay oo ogaa inay ujeedo ka dambayso.

Dadna way xarigeen oo calan ay ciil u qabeen baa dushooda ka muuqday oo arkaayay inay qabiilkoodu dowlad noqdeen. Qaar kalay arintoodu ahayd buuqa uun ha la raacsho oo ha la eego bal waxay ku dambayso. Akhristow dhan aad raacsanaydba arini waxay ku dambaysay "macal cune muuqan doone" kuwii yidhi baa sax ahaa.

Waxaan wada ogsoonahay in qoraalo badan laga qoray mammulka dowlada Somaliland dhan loo jeediyayba. Anigu waxaan ka mid ahaa inta badan ee wax ka qoray damiir xumida, cadaalad la'aanta, musuqmaasuqa, kali cunka, qabiil takoorka, kibirka ku salaysan wax ismoodka, wixii Afwayne riday ku dayashada iyo qudhun qadhaadhka ka dambeeya dowlada Somaliland. Inta aanan sii dheeraan aan idin xasuusiyo maqaal aan qoray May 2007 oon kaga hadlayay wakhtigaa waxa u qarsoonaa dowlada qabiilaysan ee Somaliland. Inyar oo ka mid ah qoraalkaasina waakan:

Sunday, May 13, 2007 (Ruthless betrayel of Awdal)

Somaliland Gangs

it is becoming apparent day after day that the agreed upon policy of the foundation of Somaliland is being hijacked by elements whose doctrine is embarked upon an ideology adventure which threatens the future of the Republic. These ego-centric gangs are slowly and dangerously moving the republic towards a clan state where selfishness, greed, injustice and dominance are becoming the state norm. Elements whose doctrine states to wield control onto others and whose motto are to establish an empire to bend the will of others.

Policy of Expansionism:

Those radical elements are now beginning to practice the policy of territorial and economical expansion. It is obvious that recently, stories have been planted as an effort to put a claim on Lughaye region and ceel Bardaale. The purpose is to tear the social fabric of Awdal to make able to advance the claimant interests. These elements are actively involved in various components of a propagandas campaign to turn realities upside down. This is becoming the most serious crisis since Somaliland came into existence. The overwhelming evidence both in statements by politicians in Hargeisa and practice proves that a conspiracy is in the works to tear out the social fabric of Awdal.

Akhristow bal u fiirso taariikhda qoraalkaa. Waa sanado ka hor (2007) Bal hadana u fiirso waxa maanta ka socda Ceel Bardaale. Ogowna waa iga xasuuse inay lix tuulo oo Lughaya leedahay ku jiraan moron oo indhowba aan laga footayn. Soomaalidu waxay tidhaa qofka garan waaya wixii maanta jiraa waxa soo socdana ma garto. Walee waa run. Garan waynay barigaa ololaha la bilaabay iyo wixii lagu tala jiray ee la qorshaynayay. Maantana wataa dhacday oo Ceel Bardaale ayaa lagu ururay Suldaan, Sheekh iyo shicibba.

Banaan, buur iyo bad wixii Samaroon uu lahaa qayb bay ku jiraan. Tolkayna dhowdhowduba uma dhacsana oo dhalaan habaabis baa loo xarigayaa. Dowlad aan jirin oon jiri doonin oo aduunkiiba iska diiday ayaa la inagu sirayaa. Xusbiyo aan macno buuran lahayn baa la inagu hoosaasinayaa oo la iskaga keen horkeenayaa. Marna raaxeeyihii la yaqaanay baa la inoo tumayaa markaasaa dhulkeena taako taako loo xariiqanayaa. Waar bal eega waxa Ceel Bardaale ka dhacaaya. Ma dhicid baa loo badheedhay. Ma cidii kalaba yeelkeed baa kol hadaan muftaaxii midigta ku haysto.

"Guurtida dhexdhexaadinta:"

Sidaan ogsoonahay gurrtida waxa kaga jiray Samaroon nin qudha. Cadaaladi kama muuqan karto hadii marka horaba ayna isku dheeli tirnayn tirada dhexdhexaadku. Hadiise ay aamineen Samaroon guurtida maxaa ku dhacay xushmadii iyo dhaqankii Somali lahayd iyo Alla ka biqii cadaaladeed. Aniga waxay ila tahay qalad bay ahayd in la aamino marka horeba waayo hore ayaan u eednay aaminkaa markii dowlada Somaliland Borama lagu samaynayay saami qaybsiga ee arintu ahayd in calanka la taago saami qaybsigana lagu noqdo. Taasina waxay ku dambaysay waan wada ogsoonahay. Samaroonow xasuusta mar la dage Allaa dagay markale la dagana isagaa is dagay.

"Dowladay fulinteedu u taalaa:"

Waxa la yaable in eex la isku raaco oo hadana lagu baaqo dowladay fulinta go'aanku u taalaa. Su'aashuse waxay tahay talow wa ayo dowladu? Bal ila eega dowlada wax fulinaysa oo aan soo jiidno jadwalkeenii caamka ahaa:

Dowlada fulnaysa go'aamadii guurtida dhexdhexaadinta:

Somaliland house of representative

70% Isaaq

Somaliland house of elders

60% Isaaq

Somaliland Executive chamber

70% Isaaq

Somaliland justice

100% Isaaq

Somaliland National Election commission

90% Isaaq


Akhristow bal jadwalkaa aad ugu fiirso. Ma Samaroon baa dowladaasi mise waa dowlad Isaaq. Wax moranii kama taagna inay dowladaas kor ku taala abtirsiinteedu noqonayso Isaaq. Miyayna markaasi arinkii lagu baaqay ee ahaa inay dowlada u taalo fulinta go'aankii guurtida dhedhexaadku macneheegu ahayn "Isaaq bay fulinteedu u taalaa!!!" Siday aniga ila tahay waa sidaa macnaheegu. Maxaa yeelay dowladu waa Isaaq...Isaaqna waa dowlada......

Dhan kale hadii aan ka eegno, arintii kale ee yadna lagu dhawaaqay ee ahayd Samaroon hubdhig ha lagu sameeyo oo dowladu haku samayso miyayna taas qudheedu macnaheegu ahayn Isaaq hubka haka qaado Samaroon. Ma xasuusatay barigii arintii odhanaysay SNM hubka Samaroon haka qaado. Wixiiba inuu dhan kale isku badilay soo arki maysid??? Allaha sahlee waxbaa silig silig leh!!!!

"Rayaale bay u taalaa arintaa Fulinteedu"

Mid kale ayaa amuur lala yaabo ah. Taasina waa dhawaaqii lagu baaqay ee odhanaayay Madaxwayne Rayaale ayay fulinta goa'aamadii guurtidu u taalaa. Miyaanan la ogayn Rayaale maaha Afwaynihii dulumka lala hoos galayay ee dhulka u boobayay islamarkaana golihii sare ee kolba beer lagu magacaabayay in waa cusubi waa hore ka baryay. Rayaale waa madaxwayne la doortay oon diyaar u ahayn beero in uu dad ka qaado dadkaleetana u siiyo. Afwayne laxojeclo kama haynin Ceel Bardaale oo wuxuu u arkaayay dhul shisheeye. Madaxwayne Rayaale waa dhulkiisii dadkiisana dulmi maayo ee ruwaayadaas ha la iloobo.

Maxaa u yaala Samaroon?

Dadka qaar baan ka maqlaa yaga oo odhanaaya reer Nuur bay u taalaa arintaasi. Waar miyaan la ogayn wixii reer Nuur u yaala inay Samaroon na u yaalaan. Reer Nuur waa u diyaar inuu dulum qaadani waayo oo foojignaan bay ku jiraan waana u diyaar inay xaqooda daafacaan ee Samaroonow xasuusta odhaahdii tayada lahayd ee odhanaysay "Walaalkii loo xiiryow soo qoyso."

Hadii sidaa lagu qaato Ceel Bardaale ogaada inay badaheena balaadhani ku xigayaan. Ogaada buuraheena in loo tashanaayo. Hadii Samaroonow inuun aan wax isku falayno, maantay taagantahay arinteenu. Saami biirsi ayaan filaynee ma dhulkeena oo dhibyaraan lagu qaato ayaa maanta ka dambaysay. Waar ha la baraarugo oo dadkeena iyo dalkeena dantooda ha la eego.

Samaroons must be in this together and I remind them the old saying that is as true today as it was long ago:

"It is very easy to snap one stick, but very difficult to snap a bundle."
Ghandi

Iskusoo wada xoori, Samaroonow sadex waa iga xasuus:

- Sidii adeerkay u sheegay waa suldaankii suldaanadee (Suldaan Suleymaan), Somaliland waa qulayti aan wayso galayn.

- "Walaalkii loo xiiryow soo qoyso" waa odhaah qaayo leh oo tilmaamaysa ogow adigaa ku xigee.

- "Usha ku garab jiid hadii uu garan waayana goga u gali." Macne kale uma baahna

Suleiman Abdi Dugsiye

Maqaalkani wuxuu soo baxay 2009-08-09




No comments: