Friday, December 4, 2009

La yidhiye adiguna maxaad odhan !!!

Hadh iyo habeen, tan iyo intii la taagey calanka Somaliland, wadciga siyaasadeed ee kolba taagan qoraal iyo odhaahba looma kala hadhin. Ruux walba meel ku tiiri. Qof walba soo xidhey kitaabkiisii qumanaha ahaa. Waa sidey tahey e, kolba wixii jira wuxuun baa laga odhan. Waxa xusid mudan inaan is xasuusino odhaahyadii hore loo yidhi qaar ka mid ah inteyna kuwa cusubi inagu soo gaadhin ee eynaan ilaawin kuwii hore loo yidhi.

Waxaan jeclaadey inaan idin xasuusiyo odhaahyadii la yidhi, sidii loo yidhi iyo waxaan ka leeyahey. Inta badan eenan qoraalkan ku xusinna waxaan filayaa inay qorayaashu ina xasuusin doonaan.

Waxa xusid horle mudan odhaahdii qaaliga aheyd ee allaha u naxariistee Cigaal yidhi isaga oo u heegan xuquuqda dadkiisa. Cigaal (AUN) wuxuu yidhi:

"Cigaal baa madaxweyne ah Barbara u lumin meyso xaqeeda…"
Waanan wada ogsoonahey iney arintaasi si haboon oo ficil leh u fushey oo Barbara eyna lumin xaqeeda.

Rayaalaa ka danbeeyey oo xukunkii la wareegey ka dibna codeyn lagu doortey. Madaxweyne Rayaale wuxuu yidhi:

" -----…..-----…..-----…..-----….."
Garan maayo waxaa uu yidhi Rayaale ee hadii aad garaneyso fadlan Awdal u bayaami.

Hadii uu Rayaale waxba uu odhan waayey, Bahdon baa ku horeeyee, “wixii la qarsho qudhun baa ku jiree,” aniguna aan sheego wixii la lahaa.

waxa la lahaa; madaxweyne Rayaale sadkii tolkii uu Somaliland ku lahaa isagaa ku fadhiistey !!!.

Somaliland oo xasuusan hadalkii Cigaal uu bayaanshey ayaa si kale u macneysey hadalkiisii:

“Rayaale baa madaxweyne ah ee Awdal waa iney xaqeeda lumisaa..”
Taasina wey u rumowday oo Awdal hadhoodh laha ayaa lagu daray.

Ina Kaahin baa ka cadhoodey oo liqi waayey qasrigaa Rayaale uu dhex joogo. Isaga oo jaah wareersan ayuu shaaca ka qaadey:

"Dheengad baan kaga saari Rayaale qasrigaa uu ku meel gaadh ka u joogo."
Malaha waaba runtii ku meel gaadh ka u sheegey.

Rayaale baa u qoondeeyey Badhadhe qandaraas adhi. Badhadhe baa bilaabey qeybistii adhigiisa oo Awdal ku dheeldhheley. Markii uu ogaadey cadhadey Awdal qaadey, afkuu kala waaxey:

" Dhegga, waaar madaxweyne bay heystaane maxey kale ooy rabaan. Waaar wareerkooda na dhaafi."

A/qani (Caateeye) oo arintaasi la wareersan ayaa qoraal ku bilaabey:

“Alliyo Nabiii, waxaan garan waayey kitaabka reer Awdal iyo adhigoodu ceelka ay ku rideen…”
An jawaab gaaban kusiiyee saaxiibkeygii rumaadow, taasi waaba saleelee, shiid baa la bilaabey oo birraa la isla beegsanayaaye waa halkaad ka gashaa..…

Biixi baa soo dhageystey xamxam tii odhaneysey Kulmiyaa loo dareerey. Isagoon dhowrsaneyn ayuu shaaca ka qaadey:

" Kulmiye waa loo dhashaa ee looma dhuunto."

Dadka qaar badan baa arintaa ka cadhoodey oo hadal koodii ku koobey:

“Iska hadlow ina higire..” Markaas bey ardaagii Kulmiye hor fadhiisteen.

Cabdiraxman Aw Cali ayaa tolkii la sua’aaley. Jawaabtuu bixiyey baana cadeysey:

“Nin SNM tolkii yahey tol kale umma baahna..”
Abtirsiintaa garanmaayo aniguye, wixii dad garanaya ayaa la weydiin.

Bahdon baa baadhis bilaabey, bal inuu ogaado waxan Awdal wareershey. Dhinac walba markuu ka eegey ayuu taladiisii ku gooyey:

"Egal's legacy is haunting Awdal".

Bahdonow waxa taa ka muhiimsan tani maanta an heyno ee odhaneysa:

"Rayaal's legacy will haunt Awdal for the coming decades.”

Doorashadii komishanka ayaa la bilaabey oo reer Isxaaq baa dhan isku raacey. Gabiley baa gilgishey oo ku eedeeyey qabyaalad. Wiilalkii Isxaaq mey diidin arintaase Gabiley bey u bayaansheen:

"Halkan lug halkaa lug, meel walba waan kaaga horeyn..."
Garaney arintaasoo nin kuu digey kumuu dillin !!!

Odey diin lagu sheegey oose iska laabey ayaa qoraal ku tahdiidey Mukhtaar. Markuu qaadani waayey firfircoonida jiilka cusub ee gadabuursi ayuu hadalkii u qudhmuunaa xitaa la xishooni waayey oo reer sheikh Samaroon ku sheegey:

"Gadabuursigu markey wax kaa qaadi kari waayaan, dhuusada ayey dhinaca dabeysha kaala maraan"
Ceebey tacaal. Waar odeygu muxuu ku Hadley!!!

Sheekadii SNM ee Cigaal ba u aasey ayaa dhinacba nooga dhamaani weydey. Dadka qaar badan oon anigu ugu horeeyo ayaana xasuustey:

"Ma gadabuursi baad difaacdeen baan u ganaaxanahey" Sheekh Cusmaan.

Fadumo ayaa ka dacwootey Borama gudaheeda. Dulqaad iyo samir markey wax ku weydey ayey shaaca ka qaadey:

"Orodney oo orodney oo orodney ....."
Weyna suura galeyne hadey teyda noqoneyso madaarkaasi Hargeysa ayaan madax kaaga dhigi lahaa.

Cibaado oo aad u taqaana dhibta iyo dacdarida Awdal dul taala ayaa adkeysani weydey, markaasey ku dayaantey:

"Samaroon ceeb u daan adagaa.."

Maxamad Muuse oo boqol jeer runta sheegey oo dhag loo dhigi waayey ayaa diinteena macaan cuskadey oo ku tahdiidey:

"Qulul xaqa waloow kaana murran..."

Maxamadow qowlkaa ad sheegtey ruuxii diinta yaqaana uunbaa macnaheeda garanaaya.

Dugsiiye oo ka cadheysan sidan loo kala yaacey ayaa tolkii u timaamey:

"Samaroonow, sadexdeena dhadhaar dharigaa inaga dhexeeya maku dheeli tirnaa..".

Mustafaa ka yaabey siyaasada Samaroonka eenan afturba laheyn oo ku dhawaaqey:

"Siyaasada Samaroon waa soon bilaa aftur ah.."

Walaalkey Mustafow, raashinka la cunaayo ayaa soon jabistii ka horeysa. Raashinka cunistiisana dharigii oo la dhadhaaro ayaa ka horeysa. Sadexdeena dhadhaar uun baa dheeli tireysa bal horta taa aan dhameyno afturkaa ku xigee.

Dhiirane oo dacwad ku oodey Madaxweyne Rayaale ayaa ku adkeystey:

“Madaxweyne Rayaale xaal baa ku go’ay!!”

Dhiiranow maalintii aad ereygaa ku dhawaaqdey ilaa hadadan aan qoraayo, baadhisbaan ku jiroo, qaamuuska Rayaale inkastoo ereyo badan lagu balbalaadhshey hadana ereyada soo socda waan ka waayey:

Xaal, Awdal, waxsheeg, waxmaqal, waxgarad, sinaan, xaqa Awdal ku leedahey Somaliland, gobolka hooyo, dadkaaga wax u qabo, horseed, wax wanaagsan hakaa hadhaan, iyo qaar kale oo badan. Sida qaamuuska loogu biirin karaana isagey u taalaa.

Dr. Walhad baa arimaha Awdal ka wareeray oo waxsheeg bayaanshey”

“Sawtii la isku damqani jiray ee walaalnimo la iskugu gurmanni jiray. Sawtii shisheeyaha la iska garabsan jiray ee tolnimo Somaliyeed la iskuba dugsani jiray..”

Dr.Walhadow, walaalo raali galin aan ku horeeyee, boqol sano horteed iyo bari hore wixii jirey waanu iska ilownoo Kulmiye, Ucid iyo Udub baa nagu heysa ee buugaagtuun inoogu bayaami.

Markhaati-cade ayaa isna xasuustey oo qoraalkiisa ku cadeeyey:

“Boqor ma Eexdo Bahdiina ma Mooga..”
Inkastoonan aqoonin magacaaga wanaagsan, walaalkey Markhaati-cadow, gurigeena dhexdiisa marka aan gaajo engegeyno qofkale dharagiisa maxaa inooga gidhiisha?

Ciye oo sugi waayey kalmad Awdal ku dhawaaqdo ayaa go’aan dhag ka siiyey:

“Qoomiyada Degta Gobolka Awdal, Gabiley (Waqooyi Galbeed), Kililka Shanaad iyo Galbeed Guntii (Djibouti) Waa ay ka Baxeen Somaliland; laga bilaabo bisha kowaad kowdeeda ee sanadka cusub 2008;”

Walaalkay Ciye aan ku idhaahdo; maba dheera wakhtigaasiye bal eegi done Awdal arimaheeda.

Jaamac bey kalmadiisu aheyd:

“Waxa aad dul joogtaan
Habeen dam ah inuu yahay
Dareenkiinu garanwaa”

Axmad Sheekh baa u danbeeyey oo shaley shaaca ka qaadey:

"Hadii ay shacabka, siyaasiinta iyo waxgardka reer Awdal ku mashquulaan inay kala jiitaan qadarka yar ee aan u qalmin ee maanta dhex yaala, iskana indho tiraan inay raadsadaan xuquuqdooda ka maqan, ha ogaadeen in ayna waligood ka bixi doonin "Edega" ay ku xeraysan yihiin sidii maqal cidla lagaga tagay".

Wax kale oon ku daro Axmadow garan mayo.

Intaasi ha inoogu joogto xasuusta wixii hore loo yidhi. Wakhtiyada qaarkoodna waan idin xasuusin doonaa kolba wixii kusoo biira odhaahyo.

Qoraalkani wuxuu ugu horayntii soo baxay 2007-11-28

Suleymaan Cabdi Dugsiiye
douksi@warsanmag.com






No comments: