Friday, December 4, 2009

Isbadalka u keenay Obama

Salaanta Islaamka ee wanaagsan wixii ka dambeeya, akhristow ila eeg sheekadan hoos ku taala. Waa sheeko dhex martay wiil iyo aabihii oon u joogay. Waa sheeko cadaynaysa isbadalada badan ee durba doorashada madaxwayne Obama ay dadkeena u keentay.

Laba maalmood ka hor baan meel la yidhaahdo "Tim Hortons" shaah u fadhiistay. Markaan galay maqaaxidaa ayaa waxaan islamarkiiba isha ku dhuftay odey iyo wiilkii oo Soomaali ah. Aniga oo sita shaahaygii ayaan salaamay markaasaan meel aan ka fogayn la fadhiistay. Islamarkiiba hadalkooda oo hore iiga horeeyay ayaa waxa kusoo duulay dhagahayga ereyo aan jaclaaday. Sidan baanay sheekadu intaan kasoo gaadhay u dhacaysay:

Aabihii wiilka: "Aabo aduunka maanta isbadalo badan baa ka socda, hordhiciina waa doorashada Obama".

Wiilkii: " Waa run aabo oo wax aan la filayn baa dhacay.."

Aabihii: "Aabo waa runtaa oo waa waxaan la filayn ee hadana Obama isagaa is gaadhsiiyay halkaa maanta u joogo..."

Wiilkii: "Waa run aabo.."

Aabihii: "Himilo dheer buu lahaa oo habeen iyo maalin uu diyaar u ahaa. Waxaan laga hadhin aaboy mar uun baa la helaa. Gidaar kaad dumistiisa kari waydana mar uun buu kuu jilcaa ood dumisaa. Obama dhiiranaantiisa iyo dadaal buu ku dumiyay waxyaalo badan oo adkaa."

Wiilkii: " Waa run aabo oo waxaad ku dadaashid mudhaheeda waad anfacsataa mar ay noqotaba..."

Aabihii:" Aabo tilmaam u qaado liibaanta Obama. Himilo fiican samayso oo tusaale hakuu noqdo Obama. Aabo wakhtigaaga ilaasho oo dadaalkaaga ogow. Aabo ficiina halkan ku dhashay albaabo badan baa idiin furmay ee ogow qofba waa siduu u galo albaabadaasi furmaya."

Wiilkii: " Aabo arini siday kolayba tahay waa ta Eebe ee waa hadal wanaagsan. Waanan dadaali oon maskaxdayda ku hayn in dariiqa an xaadho anigu aan mari doono."

Markay sheekadu intaas marayso ayaan adkaysan waayay. Waan kacay aniga oo ku goostay inaan bal ku biiro sheekada wanaageeda.

Dugsiiye: "Ereyada wanaagsan eed is waydaarsanaysaan ayaan jeclaaday. Hadii aad raali ka tihiin ma idinla wadaagi karaa?

Aabihii: "Soo dhawow adeero." markaasaan inankii ku jeestay.

Dugsiiye: "Adeero, dad is right... We the grown ups have nothing much in this country, but those of you who were born here have everything ahead of you. Adeeroy sidaad sheegtay, as you make your bed you will lie on it. Tusaalo wanaagsan buu Obama idin siiyay. Kolba sidaad wax u samaysataan ayaad wax ku noqonaysaan. Save what dad is telling you in a special place in your heart. Live with it and remind yourself every night before you go to bed. You can do it. Adeeroy rest assured you can do it. And remember me the day you are nominated for the prime minister of Canada..." Wiilkii ood moodo inuu qiirooday ayaa kacay markasuu gacanta iisoo fidyay oo isalaamay.

Wiilkii: "Yes I can do it and I must do it.... thanks adeero."

Dugsiiye: " aabo inanka u ducee waa wiil khayr qaba oo balantaa wuu adkayni."

Intaa markaan is dhaafsanay ayaan ka dhaqaajay. Islamarkiiba dhawaaq baa dhagahaygii ku bilaamay. Ereyadii wiilka ayaan xasuustay... Yes I can do it. Aniga oo naftayda la hadlaya ayaan is xasuustay... wanaag baa dhalintii Soomaaliyeed u bilaamay oo himiladii Obama ayaa dariiq toosan u tilmaamtay. Aleylehe waabaa baryay bilicsan arooryo baxsan maalin boqoran...

Siday ila tahay sheekadaasi wa mid dhex taala reeraha qurba jooga oo dhan. Waa mid u furtay dariiq in aabaha qurba joogii ilmahiisa xasuusiyo kuna dhiiri galiyo sida madaxwayne Obama ugasoo dhex baxay qeerkii. Waa mid islamarkaa u noqotay hadal hayn dadka da'da ya ee qurbo jooga ah. Waxaan dhowr jeer xitaa ka maqlay caruur ka yar toban jir oo isku tilmaamaya Obama. Siday u egtahay Obama isbadal badan buu keenay ee bal an eegno wixii ka rumooba.

Qoraalka intiisa kale:

Waa hubaal inay isbadalo xoog lehi ka dhacayaan aduunka maanta. Umadaha isku tilmaama inay hore u mareena waxaad moodaa inay horseedka dhacdooyinkaa yihiin. Taasna waxa markhaati ka ah isbadalka ka dhacay waqooyiga Ameerika ee saamaynaysa doorashada mudane Obama jagada madaxtooyada. Qolooyinka ka dhacay wakhtiga cusub ee wali dugsanaya qudhunka islamarkaana laaqanayana qadhaadh ee dib u socodkuna waxay muujinayaan maalin walba rajci nimadooda yaga oo raali ku ah inay laaqdaan qadhmuun iyo inay ku noolaadaan hab nololeed socon waayay oo laga quustay.

Dadka Maraykankii waxay si cad u muujiyeen inay noloshooda u hureen dimouqraadiyad buuxda iyo sinaan ay dadku siman yihiin. Waa arin ayna ka sinayn dowladaha reer galbeedku oo gaar u ah shicibka Maraykanka. Inaku (Soomaali ahaan) meel shishe oo boodh badan, xaasid iyo xumaan badan ayaan taaganahay oo waan ogsoonahay wali qabyaalad iyo wax badan oon macno lahayn baan ku dul rafanaynaa waana nasiibkeen.

Doorashada dadka Maraykanku doorteen Mudane Obama waxay dhalisay odoros iyo farxad. Waa arin ay ku cadeeyeen dadka ilbixii ee tixgalinaya sinaanta iyo dimuqraadiyadu inayna ka soconayn arimo badan oo aduunka intii hore lagaga dhaqmi jiray. Waa arin ay ku cadeeyeen in uu casri cusubi u bilaamay aduun waynaha. Waxay noqotay doorashada Obama waa cusub oo u baryay dadyowga sinaanta jecel iyo dimuqraadiyada.

Kuwa kasoo horjeeda hore u socodka iyo sinaanta dadka Eebe abuuray ee islamarkaa diidan dimuqraadiyada buuxda waxay ku noqotay habeen dam ah oo mugdi ah oo ay ku hadheen. Islamarkaana waxa hubaal ah inay ku rafanayaan bari hore wixii jiray iyo carar kolba dhan ay u cararayaan sidii ceersaanyada.

Madaxwayne Obama oo ah nin da’diisu yartahay waxa uu si hubaal ah oo maskax buuxda ku dheehantahay oo casriyaysan u fuliyay himiladiisii ahayd inuu mar aduunka badalo wax badana beeniyo. Arintaasi si haboon oo qurux badan ayay u fushay dadka Maraykankuna ku garab galeen. Caadna ma saarna inuu habkaa cusubi u noqondoono dhaqan joogto ah aduunka maanta nin diida iyo nin doonaba.

Taariikhda Cusub:

· Waa markii ugu horaysay ee nin madoobi ka taliyo cariga Maraykanka iyo Aduunkaba.

· Waa markii ugu horaysay ee guriga cad (White House) uu galo madaxwayne madow.

· Waa markii ugu horaysay ee marwada u horaysa (First lady) ay noqoto naag madow.

· Waa markii ugu horaysay ee tartanka doorashada madaxwayne musharax madoobi kaga badiyo musharax cad.

· Waa markii ugu horaysay ee shicibka maraykanka ee cadi si xoogle u doortaan musharax madow.

· Waxayna noqonaysaa markii ugu horaysay ee Madaxwayne madow oo maraykanii hogaanka u qabto madaxwaynayaasha aduunka qaar koodna farta ugu yeedho.... (hadii aad ila garanayso).


Bal u fiirso siday wax isku badaleen. Shalay bay ahayd madaxwayne cad oo marwo madow u magacaabay wasiirka arimaha dibada ee maraykan. Maantana madaxwayne madow ayaa marwo cad u magacaabay jagadaas. Shalay dhalinta madow mustaqbalkooda waxay ku tilmaamsanayeen mugdi iyo awoodooda oon la tixgalin. Maantana dhalinteenu heeryadii saarnayd ka duushay, himiladoodiina sare u kacday oo waxay ku taamayaan Obamahooga qarsooni inuu soo baxo.

Isbadalo horle:

Doorashada Madaxwayne Obama waxay ka dul qaaday dadka madow ee aduunka wahab saarnaa. Waxay ka sifaysay indhahooga ceeryaan saarnayd. Waxay u noqotay aabaha madow tusaalo uu ilmahiisa u siiyo. Waxay u noqotay caruurteena qurbaha ku dhalatay indho fur iyo himilo cusub. Waxay baabiisay oo ay masaxday beentii aduunka loo sheegay ee ahayd inuu qofka cadi ka maskax sareeyo ka madow. Waxay beenisay arintii la samaystay ee ahayd qof madoobi maamul sare ma qaban karo.

Doorashada Madaxwayne Obama farxad bay ku abuurtay dadka hore umarka iyo sinaanta jecel. Dad badan oo aqoonyahan ah, waxgarad ah madaxwaynayaal ah hada iyo kuwa ahaan jirayba ammaan iyo wanaag iyo isbadal aduun waynaha ku dhacay ayay dhacdadaa ku tilmaameen. Waxase wali jira cadduuro uuna dhow dhowduba u dhacsaneen oo ka xun hore u marka aduunku u gaadhay. Xumaani isma qarisee markii uu qalbigooga mugdiga dhex dabaalanayaa qaadan kari waayay waaga bilicsan ee aduunka u baryay ayay xumaan iyo aflagaado xunqaaceen. Akhristow bal ila eeg odhaahyadan soo socda iyo faaladooda:

" Obama, former and current secretaries of state Colin Powell and Condoleeza Rice, and "the likes" fit the description of "house slaves." Ayman Alzawahiri.

"Obama is handsome, young and also tanned." Berlusconi (Italian prime minister).

Qadaafiga Libiya ayaa isna laga sheegay inuu ku jawaabay isaga oo cabiraya fikradiisa mar wax laga waydiiyay magacaabintii loo magacaabay Mudane Obama musharaxa xisbiga dimuqraadiga inuuna noqon karayn madaxwaynaha dalka maraykanka sobobtuna tahay inuu yahay nin madow sidaas daraadeedna uuna lahaan karin awood maamul oo wadaysa wadankaasi.

Waa xumaantii dunida oo malaasan. Waxa ay ka siman yihiin odhaahyadaasi waa madow diid iyo xumaan cunsuri oo qalbigooga ku jirta. Waxay muujiyeen dib u socodkooda iyo inay halaasi ku jiraan kalina ay ku hadheen mugdi iyo xumaan. Siddeed sano oo Bush madaxwayne ahaa midna midab ma hadal qaadin. Maanta oo Mudane Obama loo doortay madaxwayne durba midab nac ayay jeebka kala soo baxeen.

Wadaadkaa gadhka wayn leh miyuuna ogayn dhibta aduun waynuhu ku qabo. Miyuu indhaha iska qabtay hadii aanahay qurba jooga wadanada reer galbeedka dhibaatada aan ku qabno wax kalaba daayoo magacdooda aan sidano. Miyuu garan waayay xushmo iyo xaqdhowr siday diinteenu ina fartay. Kalmadii "cabid" ee qalbigiisa ku taalay hadii uu qarsan waayay wadaadkaa god ku jirkii waa dhibaato u taalee waa wuxuu ka guraa.

Run bay sheegtay markii ay u jawaabtay marwada madaxwayne Sarkuzi (France) inuu yahay Berlusconi ceeb dul taala Talyaani. Madowgu waa midab Eebe dadkiisa uu ku abuuray ee Berlusconiyow qalbigaaga xumaan baa ka madow. Mudane Obama ayaa gurigaa cad u sareeyee dhulkaaga qudhmuuni ha ku deeqo ee gurigaa haku siyaaran oo yaanan lagu arkin adiga oo daba nashlaynaya Obama.

Maxaa waalay oo wareershay dibigan go'a wayn leh miyuu afkiisa haysto. Taanbuug maaha aduunku ee Qadaafow nasiib baad ku baxdoo badrool buu eebe ku siiyee waxaad tahay gurcud dam ah. Hadii ra'yigaagu quruurad yahay inaad dadka hadal ku shiido maahee inyar uun macno yeelo. Ilamana aha inaad dood ka bixin karto cid wax maamuli karta iyo cidaan karin. Waa abaalkayo marka wadankaagu 75% dadkiisu madow yahay inaad bulaacad daacdo. Kuwaa deeqdooda aad cunayso miyaad xushmo u quudhi wayday. Badroolka Eebe ku siiyay ayaa magac aanad lahayn kuu sameeyee Qadaafow walee waxaad tahay habeen dam ah.

Iskusoo wada xoori, doorashada madaxwayne Obama siday u egtahay isbadal ra'yi bay u keentay dadka midabka leh. Su'aashuse waxay tahay hadii uu Obama midabkii maraykan daaqada uu ka tuuray, talow ma inagu dhex jiraa Obama qabyaalada iyo macno darideena daaqada ka tuura? Hadii uu Obama isku ururiyay maraykan cadaan iyo madowba, talow ma inagu dhex jiraa Obama ina mideeya?Gabagabduna waxay tahay... baaba'naye Allow Obama noo bixi!!!!!

Maqaalakani wuxuu soo baxay Nov.25,2008

Suleyman Cabdi Dugsiiye

Ottawa

No comments: