Saturday, March 20, 2010

Baahi baa keentay shirka Minnesota, waana lama huraal in la taageero

Salaanta guud wixii ka dambeeya, aan ku bilaabo qorallkaygan aniga oo ka jawaabaya su’aalo dadka reer Sheekh Samaroon iswaydiinayeen dhowrkii bilood ee u dambeeyay. Su’aalahaa oo ah;

Maxaa keenay shirka tolka ee lagu qabanayo Minnesota bisha April 1da? Maxaase looga dan leeyahay?

Aniga oo si dhib yar u dhigaya jawaabta; Shirka tolka ee Minnesota waa lama huraan waxana keentay baahi tolku u qabo midnimo, wadajir iyo horseed wacan oo inagu hogaamiya dariiqa haboon een inta dhowba ka halownay inagana badbaadiya burburka iyo mugdiga aan ku jirno wakhtigan xaadirka ah.

Tifaftirka qormadan ka hor, aan idin xasuusiyo arimo ku aadan Samaroonkii hore iyo ka manta, halkay Samaroonku gaadheen iyo halkaan maanta taaganahay.

Moran kama taagna taariikhda Samaroon in ay tahay mid aduun waynaha laga yaqaano. Waa taariikh qoran oon la baabiin Karin. Waxa islamarkaa barbarsocota isku day ku aadan baabiisteeda yada oo la adeegsanayo hab kala duwan oo ay ka mid yihiin in la badilo amma xasuusteeda iyo hadal qaadkeeda la yareeyo marka qaarkoodna la isku dayo in la sameeyo dhacdooyin lidi ku ah Samaroon si loogu lifaaqo taariikh soojireenka Beesha taas oo mustaqbalka noqon doonta taariikhda shalay.

Bari hore waxa jiray:

Bari hore waxa jiray dad Samaroon la yidhaahdo oo boqortooyo lahaa. Boqortooyadaa Samaroon oo aduunku ogaa waxay caam ku ahayd aqoon aan xad lahayn iyo geesinimo gaar u ahaa waxaana lagu yaqaanay inay qayrkood oo dhan ka adkaayeen oon marnaba daandaansi loola badheedhi karayn. Dhul kooda oo ay jeclaadaan oo cadawga ay ka ilaashaan bay himiladoodu ahayd. Markii gumaystihii reer Yurub boobka ay afrikada ku qaadeen Samaroon waakii ingiriiska u diiday dhulkooda ee ka saxeexay saantii caamka ahayd. Midnimo iyo wadajir baa loo yaqaanay oo qalbigoogaa mid ahaa. Way isku damqan jireen oo dan guud bay lahaayeen. Horseed bay geeska Afrika ka ahaayeen. Dad cadliga ku dheer bay ahaayeen oo Cadel (Adal) baa boqortooyadooda loo yaqaanay. Taariikhday ka tageena waa mid aduunka manta laga yaqaano, dhaxalkeedana Samaroonka maantu ku faano.

Taariikhahaas bay awowyaasheen inooga tageen. Magacii iyo sharaftii ay inooga tageena waa hubaal inaan hadii aanahay Samaroonka manta ku daaqayno oon ku meel marayno sidii jowharada wakhtigan xaadirka ah. Jiil baa taariikhda sameeya, qaarna way ka dhaxlaan oo ay hubiyaan xasuusteeda, taariikhdoodana sameeyaan si ay caruurtoodu dhexalkeeda u qaataan. Taas macnaheedu waxa weeyi taariikh samayntu waa wareegto waana masuuliyad saaran kolba jiilka ay joogto. Sida jirta waa mid aan isku raacnay jiikeenan Samaroon ee maanta inay jiilalkeenii hore taariikh wanaagsan, magac iyo sharaf inooga tageen.

Maantana waxa jira:

Maanatana waxa jira waa iska xaal aduunyee Samaroon yaguuni is eega oon is indho buuxin karayn. Samaroon aan isku duubnayn oo wadajir aan himiladoodu ahayn. Samaroon isla mormaaya oo hadii uu mid tog yidhaahdo taraaf kakale uu ku jawaabo. Samaroon daayacay taariikhdii hore ee dadkooda oon xasuusteeda dan iyo muraad ka lahayn. Samaroon aan isku duubni lahayn, taageero daa hadalkeeda oo shisheeye kalkaala. Samaroon aan sidii awowyaashood qayrkood ka adkayn oo xaqooda la dulmiyaayo. Samaroon aan dan guuda lahayn oo dano gaara samaystay oo dhacdooyinka u abtirinaaya oon hiilba lahayn.

Marka aad qiyaasto faraqa u dhexeeya labadaa Samaroon, waxaad garan kartaa inay tahay laba arimood. Waata horee Samaroonkii hore waxay lahaayeen midnimo iyo is qadarin halka uuna Samaroonka maantu lahayn. Ta labaad, Samaroonkii hore waxay lahaayeen hogaan talo wacan leh oo dadkiisa iyo dalkiisaba u damqanaaya.

Hadii aan maanta ku meel marayno wixii Samaroonkii hore inooga tagay, Su’aashu waa laban laabe waxay tahay ma haynaa masuuliyadii oo ma ilaalinaynaa jiritaankeeda? Caruurteenana ma u samaynay taariikh ay inaga dhaxlaan oo ay ku faanaan ilaaliyaana?

Samaroonow runta aan isku sheegnee arinteenu maanta ahaan ma fiicna. Hadii aan wax uga tagayno caruurteena biloo taariikh xun oo ay ka foorarsadaan uga tagnay. Tii aan dhaxalkeeda lahayna khatar bay ku jirtaa daayac baan ku samaynay oo waa la qaadnayaa hadii aanan la baabiinba amma la inagu lifaaqin foolxumo wajiga ay u dhigi kari waayaan caruurteenu.

Samaroonow bal arinteena ila eega. Taariikh wanaaga Samaroon waa wixii ka horeeyay bilowgii burburkii boqortooyadii Adal. Wakhtiyadii ka dambeeyay ilaa maantadaa an joogno wixii la inagu sameeyay een ka dhiidhiyi waynay hadii aan qor idhaa dadka daayoo dugaaga Awdal ku nool baa lilmayni oon la aamusiini karayn oo aduunkaa inala yaabi. Sii dheerayni maayee intii xasuus u dambaysay, dhacdooyinkii niyab jabka sameeyay ee samaroonka daafaha aduun waynaha ku nool calool waydka ku reebay ee qaarkeena waali u dhaweeyay anyar bayaanshee ila eega.

Sanadkii u dambeeyay waa kii inoogu darnaaye waa markii hujuumka lagu qaaday dhulkeena. Waa markii damiirkeena la tijaabshay. Waa markii la imtixaanay dadnimadeena, la qiyaasay heerka aarsigeena ee la qorsheeyay in dhaxalkii taariikhdeena magac xumo lagu lifaaqo. Waa markii la ogaaday inaynaan isku duubnayn oo qofba meel ku mashquulay. Waa markii la ogaaday inaynaan dan ka lahayn midnimadeena een caashaq u hayno xusbiyo aan macno buuran lahayn.

Dhacdo wixii dad lagu sameeyo taariikh bay noqotaa. Sanadkii ina dhaafay wixii Samaroon lagu sameeyay bilow bay u ahayd qormada taariikhda cusub ee loo qorsheeyay in taariikh ahaan loogu lifaaqo si loogu wiiqo wanaaga ay awowyaasheen inooga tageen ee dhaxalkeena ahayd.

Dadkeenii qarniyada daganaa Cerelbardaale waa tii hujuumka lagu qaaday si looga dareersho dad kalana lagu beero dhulkooda. Xaq daro aan hore aduunka looga samaynin bay arintaasi ahayd. In khariidad cusub la jeexo oo deegaankooda dadkale lagu beero ayaa dan looga lahaa. Illaaha qaadirka ah ee dulumka ka horjeeda ayuun baa ina baxshee Samaroon oo isku duubani xaqoodii ma difaacin.

Haldoorkii Samaroon oo dantooda u safraaya oon cidna ku gardaroonin waa tii la qafaashay ee xaqdarida lagu laayay. Magacaa ay siteen ee Samaroonka ahaa ayaa sababta dilmadooduna ku sal haysay. Samaroon oo isku duubane arintaa fool xumadeeda hadal iyo aarsi ka celin kari waa. Magac xumo ina raacda oo taariikhdeena lagu lifaaqo ayaa dan looga lahaa.

Gasiiradeena Saacadudiin waa barwaaqadii dhulka Samaroone waatii cidkale lagu wareejay ee dadka loo sheegay inayna Samaroonku awood u lahayn maalgalinteeda. An runta isku sheegnee, Waxa hubaal ah dadkaa maal qabeenka lagu sheegay inaanan laga siiyeen 8km dhul ah Berbera agteeda. Ku darsoo waa mid aan wada garanayno maalqabeenka Samaroon marnaba sideed km daayoo hal km lagama siiyeen hadii uu maal galinaayo buuraha ku xeersan lama dagaanka Cali Sabiix. In awooda dhaqaale Samaroon laga qaado oo dhulkooda kolba taago cidkale la siiyo oo maalgalin lagu magacaabo waa arin qorshaheeda waa hore la bilaabay. Samaroon oo isku duubani ka aamus arintaa waxayna ka mid tahay magac xumida lagu lifaaqayo taariikhdeena iyo dhul wareejinta lala damacsanyahay Samaroonka.

Shalay bay ahayd markii magaaladii dhabarkeeda ku haysay magaca taariikhda Adal ee aduunka laga yaqaanay, buugta taariikhdana lagu duugay (Saylac) een ku darsoo daayaceeda masuulka aan ka ahayn dhoolo tuska loola badheedhay. Inkasta oo malaha dadka qaarkii igu diidi, ujeedaa ka dambaysay sidaan aniga iyo dad badaniba qabno. Ujeedadu waxay sal dhigaysay in taariikhda Saylac inta yaree ku hadhay laga xayuubsho oo laga dul geeyo tu cusub oo dusheeda lagu sameeyo yada oo la bahdilaayo oo qabiilooyinka lagu casumay dhoola tuska loo sheego in taariikhihii badalmeen oo kuwii hore la iska iloobo oo tan cusub la daneeyo. Waa taariikhahaa dadka Samaroonee la badilaayo.

Akhristow, bal arintaa dhoolatuska ahayd xaga kale u wareeji oo jawaabteeda su’aashan ka fiirso.

Hadii uu Samaroon dhacdo u dhaqaaqo oo qabiilooyinka Soomaaliyeed oo dhan aan marti qaadno oo fikradu ina siiso in Jabuuti lagu sameeyo ileen Samaroonku taariikh dheer buu ku leeyahay xeebta Jabuutiye, dowlada Jabuuti iyo beesha Ciise ma ogolaani lahayd? Kaarteeyadii (xaafadihii) baa la isku haystaa waabase dhoolo tus aan ku samayno Jabuuti!!!

Ma jirto qabiilo qudha oo Soomaali ah oo ay intaas oo dhacdooyinii soo waajahaan sanad guduhii. Su'aashu waxa weeyi; maxay Samaroon gaar uga yihiin qabiilooyinka? Dhan kastaba u jeedi jawaabta waxa hubaal ah dad markayna lahayn midnimo waxay u jilicsanyihiin in dulum lalasoo doonto.

Midna waa hubaaloo labada arimood ee hore umarka u keenay Samaroonkii hore waxa weeyi midnimada ay lahaayeen iyo horseed wacan oo wakhti walb joogto u ahaa. Waana labada arimood ee Samaroonka maanta ka maqan.

Dhacdooyinkaa kor aan ku sheegay waa arimaha cusub ee ku lifaaqan taarikhda cusub ee la rabo in Samaroonka loo sameeyo ee dadaalka xooga leh loogu jiro. Dhacdada maantu sidaan ogsoonahay waa taariikhda shalay ee bari. Taariikhdii shalay ee awowyaasheen waata inoo noqotay taariikhdeena maanta een sharafteeda iyo mudhaheedaba ku daaqayno hadii aanahay Samaroonka maanta.

Dadka Samaroon intooda badani waxay qabaan inay dhacdooyinkaa kor ku qorani yihiin foolxumo loola badheedhay beesha. Waxase foolxumo labaad ah sida aan wada jir waxlooga qaban een meel mid ah la iskaga wada taagin.

Samaroonka manta ayay u taalaa wixii ay taariikh uga tagayaan caruurtooda. Sida muuqata waxaan u dhownahay in aan wax taariikh ah looga tagi doonin caruurteena hadii aanay wax is badalin. Waa iga su’aale Sidee dawo loogu heli karaa Samaroonka maanta ee dayacay ilaalinta tii ay dhexleen ay u samayn lahaayeena tu dhaxal gal u noqota caruurtooda?

Midnimo Weeyi Dawadeenu

Jawaabta sua’aashu waxay igusoo celinaysaa ujeedadii qoraalkaygan. Waxa hubaal ah oon wada ogsoonahay in Samaroonku sanadadii u dambeeyay qabatimayeen in mashaakilka loo abtiriyo ka dibna ciday khusayso lagu eego oon loo arag wax inawada khuseeya. Taasi waxay keentay in la daayaco dantii guud oo wax walba reer ahaan loo arko. Tafaraaruqu halkuu ina dhigayna waxa ka markhaati ah dhacdooyinkaa kor ku xusan iyo sidaynaan wax ugu haysan Somaliland. Runtu siday tahayna midnimo guud baa wax lagu qabsan karaa danta guudna lagu ilaashan karaa.

Rajada wanaagsan ee Samaroon waxa fure u ah midnimo. Waxa hubaal ah in ilaalada, qadarinta, xushmada daryeelka magaca iyo taariikhda Samaroon ku xidhantahay midnimada iyo wada jirka ummada ku abtirsata. Midnimo waa tol mid ah. Midnimo waa guul. Midnimo waa ujeedo mid ah, dan guud iyo iskaashi. Midnimo waa awood sare. Midnimo waxay sare u qaadaa awooda dhaqaale ee bulshada iyo wadciga siyaasadeed. Midnimo waa siyaasad ku aadan helka xaqa guud. Midnimo waa difaaca dadka iyo dalka. Midnimo waa indho fur ku aadan mustaqbalka. Midnimo waa istaageer. Midnimo waa xaqdhowr, qadarin iyo indho buuxin. Midnimo waa taariikh samayn wanaagsan. Midnimo waa qadarin iyo xushmo ku aadan jiilkii hore ee Samaroon.

Sida muuqata magacii Samaroon waa gabaabsi. Mudnimadiina mugdi bay gashay. Hadii aan wax la badalina waxa hubaal ah inay wax sii kala daadan doonaan oo ay adkaan doonto meel wax lagasoo qabto. Markaa Su’aashu waxay tahay; hadii dawada Samaroon tahay midnimo side loo heli karaa?


Shirka Minnesota waa furaha midnimada Samaroon iyo horseed wacan oo la helo:

Siday ila tahay midnimo waxay ku iman kartaa wada hadal la falanqeeyo siday wax u jiraan. La taabto halkaan taaganahay. La cadeeyo oo la qiro khatarta dadkeena iyo dalkeenuba ku sugan yihiin. Arimaheena oo dhan la qaadaa dhigo lana ogaado danta guud oo la fahmo meelna la isla dhigo daayac tirkeeda.

Hadii aan darisno dhacdooyinkaa hore waxa hubaal ah in Samaroon baahi xoogle u qabo midnimo. Baahi baan u qabnaa isbadal. Arimaheena oon wax ka badilaa waa lama huraan.

Baahidaasina waata keentay baaqa shirka Minnesota. Baahi loo qabo in la qorsheeyo sidii loo heli lahaa midnimo iyo horseed Samaroon. Waa isku tag lagu falanqayn doono sidii loo heli lahaa iftiin rajo u shida dalka iyo dadka Samaroon. Ummadi isma indo buuxiso hadii aanay lahayn wax wada qabsi. Midnimo waa wadaag iyo walaalo is jecel. Ummadi hore umar ma samayso hadii aanay lahayn horseed ku haga iftiin iyo mustaqbal wanaagsan. Shirka Minnesota waa jawaab ku aadan wada hadal iyo soo noolaynta midnimada iyo sharaftii Samaroon. Shirku waa baaq ku aadan inay Samaroon sida ay yihiin isku dhaamaan. Waa xasuusin in ay sharaftii, dareenkii iyo damiirkii dadka ku abtirsada Samaroon ku dhowdahay gabaabsi ay tahyna wakhtigii dib loosoo noolaysiin lahaa. Shirku waa baaq ku aadan daryeelka danta iyo dadka Samaroon oon cidna gaar u ahayn cid gaar ahna lagaga soo horjeedin.

Sidaan ogsoonahay shirka Minnesota maaha kii u horeeyay noqona maayo kii u dambeeyay laakiin astaan gaar ah ayuu leeyahay. Waa shir baahi guud ay keentay ujeedo guudna leh. Waa mid ina midaynaya, xoogayn doonana guud ahaan arimaha siyaasadeed ee Awdal iyo Salal. Awooda sare ee goboladeenuna waa awood sare oo ina garan siinaysa xaqa aan ku leenahay Somaliland, inoo dhib yarayn doontana helitaankeeda. Shirku waa dariiqa sare u qaadka wadciga siyaasadeed ee beesha Samaroon.

Sidaa daraadeed, hadii aan rabno inaan qadarino dhaxalkii taariikheed ee awowyaasheen, hadii aan rabno midnimadeena, hadii aan rabno magaca iyo sharafta Samaroon oo meel marta, hadii aan rabno inaan xaqeena wada jir uga helno dowladaha jira, waxay ila tahay in si wada jir ah loo taageero shirkaa Minnesota. Midnimada iyo danta guud waxay ku xidhantahay libinta shirkaa. Samaroonow jiritaanka iyo qadarinta ummadi wakhtigan xaadirka ah waxay ku xidhantahay isku duubnida beeleed. Ha la taageero oo haloo hagar baxo shirka Minnesota.

Suleyman Cabdi Dugsiiye

No comments: