Friday, December 4, 2009
Suffering in Silence:Samaroons
Somaliland must not be recognized by the international community
Walaalkii loo xiiryow adna soo qoyso
Isbadalka u keenay Obama
Salaanta Islaamka ee wanaagsan wixii ka dambeeya, akhristow ila eeg sheekadan hoos ku taala. Waa sheeko dhex martay wiil iyo aabihii oon u joogay. Waa sheeko cadaynaysa isbadalada badan ee durba doorashada madaxwayne Obama ay dadkeena u keentay.
Laba maalmood ka hor baan meel la yidhaahdo "Tim Hortons" shaah u fadhiistay. Markaan galay maqaaxidaa ayaa waxaan islamarkiiba isha ku dhuftay odey iyo wiilkii oo Soomaali ah. Aniga oo sita shaahaygii ayaan salaamay markaasaan meel aan ka fogayn la fadhiistay. Islamarkiiba hadalkooda oo hore iiga horeeyay ayaa waxa kusoo duulay dhagahayga ereyo aan jaclaaday. Sidan baanay sheekadu intaan kasoo gaadhay u dhacaysay:
Aabihii wiilka: "Aabo aduunka maanta isbadalo badan baa ka socda, hordhiciina waa doorashada Obama".
Wiilkii: " Waa run aabo oo wax aan la filayn baa dhacay.."
Aabihii: "Aabo waa runtaa oo waa waxaan la filayn ee hadana Obama isagaa is gaadhsiiyay halkaa maanta u joogo..."
Wiilkii: "Waa run aabo.."
Aabihii: "Himilo dheer buu lahaa oo habeen iyo maalin uu diyaar u ahaa. Waxaan laga hadhin aaboy mar uun baa la helaa. Gidaar kaad dumistiisa kari waydana mar uun buu kuu jilcaa ood dumisaa. Obama dhiiranaantiisa iyo dadaal buu ku dumiyay waxyaalo badan oo adkaa."
Wiilkii: " Waa run aabo oo waxaad ku dadaashid mudhaheeda waad anfacsataa mar ay noqotaba..."
Aabihii:" Aabo tilmaam u qaado liibaanta Obama. Himilo fiican samayso oo tusaale hakuu noqdo Obama. Aabo wakhtigaaga ilaasho oo dadaalkaaga ogow. Aabo ficiina halkan ku dhashay albaabo badan baa idiin furmay ee ogow qofba waa siduu u galo albaabadaasi furmaya."
Wiilkii: " Aabo arini siday kolayba tahay waa ta Eebe ee waa hadal wanaagsan. Waanan dadaali oon maskaxdayda ku hayn in dariiqa an xaadho anigu aan mari doono."
Markay sheekadu intaas marayso ayaan adkaysan waayay. Waan kacay aniga oo ku goostay inaan bal ku biiro sheekada wanaageeda.
Dugsiiye: "Ereyada wanaagsan eed is waydaarsanaysaan ayaan jeclaaday. Hadii aad raali ka tihiin ma idinla wadaagi karaa?
Aabihii: "Soo dhawow adeero." markaasaan inankii ku jeestay.
Dugsiiye: "Adeero, dad is right... We the grown ups have nothing much in this country, but those of you who were born here have everything ahead of you. Adeeroy sidaad sheegtay, as you make your bed you will lie on it. Tusaalo wanaagsan buu Obama idin siiyay. Kolba sidaad wax u samaysataan ayaad wax ku noqonaysaan. Save what dad is telling you in a special place in your heart. Live with it and remind yourself every night before you go to bed. You can do it. Adeeroy rest assured you can do it. And remember me the day you are nominated for the prime minister of Canada..." Wiilkii ood moodo inuu qiirooday ayaa kacay markasuu gacanta iisoo fidyay oo isalaamay.
Wiilkii: "Yes I can do it and I must do it.... thanks adeero."
Dugsiiye: " aabo inanka u ducee waa wiil khayr qaba oo balantaa wuu adkayni."
Intaa markaan is dhaafsanay ayaan ka dhaqaajay. Islamarkiiba dhawaaq baa dhagahaygii ku bilaamay. Ereyadii wiilka ayaan xasuustay... Yes I can do it. Aniga oo naftayda la hadlaya ayaan is xasuustay... wanaag baa dhalintii Soomaaliyeed u bilaamay oo himiladii Obama ayaa dariiq toosan u tilmaamtay. Aleylehe waabaa baryay bilicsan arooryo baxsan maalin boqoran...
Siday ila tahay sheekadaasi wa mid dhex taala reeraha qurba jooga oo dhan. Waa mid u furtay dariiq in aabaha qurba joogii ilmahiisa xasuusiyo kuna dhiiri galiyo sida madaxwayne Obama ugasoo dhex baxay qeerkii. Waa mid islamarkaa u noqotay hadal hayn dadka da'da ya ee qurbo jooga ah. Waxaan dhowr jeer xitaa ka maqlay caruur ka yar toban jir oo isku tilmaamaya Obama. Siday u egtahay Obama isbadal badan buu keenay ee bal an eegno wixii ka rumooba.
Qoraalka intiisa kale:
Waa hubaal inay isbadalo xoog lehi ka dhacayaan aduunka maanta. Umadaha isku tilmaama inay hore u mareena waxaad moodaa inay horseedka dhacdooyinkaa yihiin. Taasna waxa markhaati ka ah isbadalka ka dhacay waqooyiga Ameerika ee saamaynaysa doorashada mudane Obama jagada madaxtooyada. Qolooyinka ka dhacay wakhtiga cusub ee wali dugsanaya qudhunka islamarkaana laaqanayana qadhaadh ee dib u socodkuna waxay muujinayaan maalin walba rajci nimadooda yaga oo raali ku ah inay laaqdaan qadhmuun iyo inay ku noolaadaan hab nololeed socon waayay oo laga quustay.
Dadka Maraykankii waxay si cad u muujiyeen inay noloshooda u hureen dimouqraadiyad buuxda iyo sinaan ay dadku siman yihiin. Waa arin ayna ka sinayn dowladaha reer galbeedku oo gaar u ah shicibka Maraykanka. Inaku (Soomaali ahaan) meel shishe oo boodh badan, xaasid iyo xumaan badan ayaan taaganahay oo waan ogsoonahay wali qabyaalad iyo wax badan oon macno lahayn baan ku dul rafanaynaa waana nasiibkeen.
Doorashada dadka Maraykanku doorteen Mudane Obama waxay dhalisay odoros iyo farxad. Waa arin ay ku cadeeyeen dadka ilbixii ee tixgalinaya sinaanta iyo dimuqraadiyadu inayna ka soconayn arimo badan oo aduunka intii hore lagaga dhaqmi jiray. Waa arin ay ku cadeeyeen in uu casri cusubi u bilaamay aduun waynaha. Waxay noqotay doorashada Obama waa cusub oo u baryay dadyowga sinaanta jecel iyo dimuqraadiyada.
Kuwa kasoo horjeeda hore u socodka iyo sinaanta dadka Eebe abuuray ee islamarkaa diidan dimuqraadiyada buuxda waxay ku noqotay habeen dam ah oo mugdi ah oo ay ku hadheen. Islamarkaana waxa hubaal ah inay ku rafanayaan bari hore wixii jiray iyo carar kolba dhan ay u cararayaan sidii ceersaanyada.
Madaxwayne Obama oo ah nin da’diisu yartahay waxa uu si hubaal ah oo maskax buuxda ku dheehantahay oo casriyaysan u fuliyay himiladiisii ahayd inuu mar aduunka badalo wax badana beeniyo. Arintaasi si haboon oo qurux badan ayay u fushay dadka Maraykankuna ku garab galeen. Caadna ma saarna inuu habkaa cusubi u noqondoono dhaqan joogto ah aduunka maanta nin diida iyo nin doonaba.
Taariikhda Cusub:
· Waa markii ugu horaysay ee nin madoobi ka taliyo cariga Maraykanka iyo Aduunkaba.
· Waa markii ugu horaysay ee guriga cad (White House) uu galo madaxwayne madow.
· Waa markii ugu horaysay ee marwada u horaysa (First lady) ay noqoto naag madow.
· Waa markii ugu horaysay ee tartanka doorashada madaxwayne musharax madoobi kaga badiyo musharax cad.
· Waa markii ugu horaysay ee shicibka maraykanka ee cadi si xoogle u doortaan musharax madow.
· Waxayna noqonaysaa markii ugu horaysay ee Madaxwayne madow oo maraykanii hogaanka u qabto madaxwaynayaasha aduunka qaar koodna farta ugu yeedho.... (hadii aad ila garanayso).
Bal u fiirso siday wax isku badaleen. Shalay bay ahayd madaxwayne cad oo marwo madow u magacaabay wasiirka arimaha dibada ee maraykan. Maantana madaxwayne madow ayaa marwo cad u magacaabay jagadaas. Shalay dhalinta madow mustaqbalkooda waxay ku tilmaamsanayeen mugdi iyo awoodooda oon la tixgalin. Maantana dhalinteenu heeryadii saarnayd ka duushay, himiladoodiina sare u kacday oo waxay ku taamayaan Obamahooga qarsooni inuu soo baxo.
Isbadalo horle:
Doorashada Madaxwayne Obama waxay ka dul qaaday dadka madow ee aduunka wahab saarnaa. Waxay ka sifaysay indhahooga ceeryaan saarnayd. Waxay u noqotay aabaha madow tusaalo uu ilmahiisa u siiyo. Waxay u noqotay caruurteena qurbaha ku dhalatay indho fur iyo himilo cusub. Waxay baabiisay oo ay masaxday beentii aduunka loo sheegay ee ahayd inuu qofka cadi ka maskax sareeyo ka madow. Waxay beenisay arintii la samaystay ee ahayd qof madoobi maamul sare ma qaban karo.
Doorashada Madaxwayne Obama farxad bay ku abuurtay dadka hore umarka iyo sinaanta jecel. Dad badan oo aqoonyahan ah, waxgarad ah madaxwaynayaal ah hada iyo kuwa ahaan jirayba ammaan iyo wanaag iyo isbadal aduun waynaha ku dhacay ayay dhacdadaa ku tilmaameen. Waxase wali jira cadduuro uuna dhow dhowduba u dhacsaneen oo ka xun hore u marka aduunku u gaadhay. Xumaani isma qarisee markii uu qalbigooga mugdiga dhex dabaalanayaa qaadan kari waayay waaga bilicsan ee aduunka u baryay ayay xumaan iyo aflagaado xunqaaceen. Akhristow bal ila eeg odhaahyadan soo socda iyo faaladooda:
" Obama, former and current secretaries of state Colin Powell and Condoleeza Rice, and "the likes" fit the description of "house slaves." Ayman Alzawahiri.
"Obama is handsome, young and also tanned." Berlusconi (Italian prime minister).
Qadaafiga Libiya ayaa isna laga sheegay inuu ku jawaabay isaga oo cabiraya fikradiisa mar wax laga waydiiyay magacaabintii loo magacaabay Mudane Obama musharaxa xisbiga dimuqraadiga inuuna noqon karayn madaxwaynaha dalka maraykanka sobobtuna tahay inuu yahay nin madow sidaas daraadeedna uuna lahaan karin awood maamul oo wadaysa wadankaasi.
Waa xumaantii dunida oo malaasan. Waxa ay ka siman yihiin odhaahyadaasi waa madow diid iyo xumaan cunsuri oo qalbigooga ku jirta. Waxay muujiyeen dib u socodkooda iyo inay halaasi ku jiraan kalina ay ku hadheen mugdi iyo xumaan. Siddeed sano oo Bush madaxwayne ahaa midna midab ma hadal qaadin. Maanta oo Mudane Obama loo doortay madaxwayne durba midab nac ayay jeebka kala soo baxeen.
Wadaadkaa gadhka wayn leh miyuuna ogayn dhibta aduun waynuhu ku qabo. Miyuu indhaha iska qabtay hadii aanahay qurba jooga wadanada reer galbeedka dhibaatada aan ku qabno wax kalaba daayoo magacdooda aan sidano. Miyuu garan waayay xushmo iyo xaqdhowr siday diinteenu ina fartay. Kalmadii "cabid" ee qalbigiisa ku taalay hadii uu qarsan waayay wadaadkaa god ku jirkii waa dhibaato u taalee waa wuxuu ka guraa.
Run bay sheegtay markii ay u jawaabtay marwada madaxwayne Sarkuzi (France) inuu yahay Berlusconi ceeb dul taala Talyaani. Madowgu waa midab Eebe dadkiisa uu ku abuuray ee Berlusconiyow qalbigaaga xumaan baa ka madow. Mudane Obama ayaa gurigaa cad u sareeyee dhulkaaga qudhmuuni ha ku deeqo ee gurigaa haku siyaaran oo yaanan lagu arkin adiga oo daba nashlaynaya Obama.
Maxaa waalay oo wareershay dibigan go'a wayn leh miyuu afkiisa haysto. Taanbuug maaha aduunku ee Qadaafow nasiib baad ku baxdoo badrool buu eebe ku siiyee waxaad tahay gurcud dam ah. Hadii ra'yigaagu quruurad yahay inaad dadka hadal ku shiido maahee inyar uun macno yeelo. Ilamana aha inaad dood ka bixin karto cid wax maamuli karta iyo cidaan karin. Waa abaalkayo marka wadankaagu 75% dadkiisu madow yahay inaad bulaacad daacdo. Kuwaa deeqdooda aad cunayso miyaad xushmo u quudhi wayday. Badroolka Eebe ku siiyay ayaa magac aanad lahayn kuu sameeyee Qadaafow walee waxaad tahay habeen dam ah.
Iskusoo wada xoori, doorashada madaxwayne Obama siday u egtahay isbadal ra'yi bay u keentay dadka midabka leh. Su'aashuse waxay tahay hadii uu Obama midabkii maraykan daaqada uu ka tuuray, talow ma inagu dhex jiraa Obama qabyaalada iyo macno darideena daaqada ka tuura? Hadii uu Obama isku ururiyay maraykan cadaan iyo madowba, talow ma inagu dhex jiraa Obama ina mideeya?Gabagabduna waxay tahay... baaba'naye Allow Obama noo bixi!!!!!
Ottawa
Socdaalkaygii Samaroonland
Waxwalba hortii salaan qaali ah oo sharafi ku dheehantahay aan u gudbiyo akhristayaasha aniga oo idinle Salaamu Calaykum. Aniga oo dhawaan kasoo noqday S/Land iyo Jabuuti ayaa inta badan la i waydiiyaa inaan ka waramo wixii aan soo arkay. Maanta maqaalkan ayaan isku dayi inaan kaga waramo aniga oo islamarkaa rajaynaya in laga faaidaysto oo la ogaado wixii jira dhulka iyo sidii hadii aan nahay qurba jooga qayb libaaxle looga qaadan lahaa dhismaha iyo hore u marinta Samaroonland. Islamarkaa aan ku adkeeyo qoraalka inuu warkani iyo fikradahuba yihiin wax aniga ii gaar ah (my own opinion) ee hadii ay kula xumaato akhristow anigaa ka masuul ah ee cidkale ha u raacin.
Jabuuti baan ku horeeyay oon dhowr cisho joogay. Markaan S/Land u anbabaxayay ayaan jeclaaday in aan sidii awalba markaan yaraa u dhoofi jiray xasuusto oon baaburta raaco si aan usii arkana dhulka. Baabuur (Land cruiser) ayaan ka raacay jabuuti ilaa Borama.
Dariiqa
Ujeedadayda oo ahayd inaan sii daawado dhulka ayaa waxaan ka xumahay inaanan arag magaaladii samaroon ee taariikhda dheer lahayd oon rabay inaan arko bal waxay ku danbaysay. Baaburto (Landcruisers) ma maraan Zeilac. Taasi waa niyad jabkii ugu horaynba igu dhacay waanan ka xumahay. Dariiqu aad buu u xumaa oo marnaba ma ahayn meel baabur dad sida lagu aamino. Waxaad moodaa in qasab lagu marinayo baabuurta waana isku mid buur iyo banaan. Meel wal oo baabuurku marayaba khatar baa lagu sugnaa. Waa dariiq faraha laga qaaday ood moodo in dowladuna daayacday oonay dan iyo muraad ka lahayn isku xidhida magaalooyinka iyo socodka dadkaba. Dariiqii hore ayaa boqolkiiba boqol ka fiicnaa. Awdal iyo Salal dariiqyadooda dadkuna awood uma laha hagaajintooda dowladuna muraad kama laha oo waxaad moodaa inayna ku jirin S/land. Si walba arintu ha ahaato ee ta ugu darani waa khatarta dadku ku jiraan.
Meel meel baan arkayay in dad samaynayaan yaga oo adeegsanaya muruqooda iyo qalab ah madaraq iyo majarafad. Markaan waydiiyay dirawalkii in dadkani ay yihiin dad ay dowladu soo dirtay oo ka shaqaynaya wadada, wuxuu ii sheegay in ay ku shaqaynayaan iskaa wax u qabso iyo yaga oo ku dadaalaya inay wadadu jirto si ay baabuurtu ugu yimaadaan hadii kale meel kale bay iska marayaan oo xitaa magaaladaba way ka weecanayaan. Wuxuu kale oo u ii sheegay dirawalkii inay ku noolyihiin dadkaasi kolba waxa yar ee baabuurto u tuurto. Waanan arkayay baabuur walba inuu istaagayo oo xoogaa u tuurayo. Waa iga suaale markay arini sidaa u dhacday ma dowlad ku sheegaa dowlad ah mise dadkaa shicib ka ah ee danaysanaya ayaa dowlada?
Dariiq xumida Awdal iyo Salal mid aan ku koobi karo maaha qoraal. Waxaase igaga filan inaan sheego in baabuurkii (Land cruiser) aan la soconay markuu marayo buurta Xaliimaale dusheeda nala qalimo. Nasiib wanaag inkasta oon kula soconay jilib reer Jaamac ah (Dugsiiye Jaamac) cidi waxba kuma noqon waana eebe mahadii. Inkasta oo xoogaa halkaa aan ku riiqanay, ka dib markii baabuur kale iyo gurmad naloosoo diray ayaan socdaalkii halkii kasii wadnay.
Magaalo iyo tuulo walba waxa ka muuqatay daayac iyo dhaqaale xumo. Waxaanad meel walba garataa oo aad tabaysaa waxa maqani inay tahay wixii dowladi qaban lahayd. Shicibku dadaal badan bay muujiyeen oo waad garataa sida meel walba loo dhistay ee xaga laga dhintay waa waxtarkii dowladnimo. Qunujeed markaan marayno een dhinac walba eegay ayaa waxaan xasuustay maqaal uu qoray Bahdon oo cinwaankiisu ahaa " Egal's legacy haunts Awdal" aniga oo madaxa lulaya ayaan niyada ka idhi; " may Rayaal's legacy shines Qunujeed one day." Sawiradii aansoo qaadayna Bahdon baan ku wareejay.
Borama
Farxad bay ii ahayd inaan gaadho magaaladii aan ku dhashay een ku barbaaray een waxbarashadaydiina ka bilaabay. Caasimada Borama way dhisantay oo waxaad moodaaba inay ku dhowdahay Ottawa. Magaalada dhexdeeda dariiqyadu waa sidii aan hore usoo sheegay oo dadka iyo gaadiid kaba way ku adagtahay inay maraan. Waxaad moodaa inay dadka tiradoodu bateen oo dhagaxda waxa ka badan dadka. Dadkayagii hore ee reer Borama way ku adagtahay inay gartaan meelba meesha ay ahayd oo dhismihiiba wuu isbadilay meel walbana waxbaa laga dhistay. Aragtidii hore iyo khariidadii aad maskaxda ku haysay kuma anfacayso ee waa in meel walba laguu sheegaa waxay ahaan jirtay.
Waxyaabaha ay hore ugu martay Caasimada Borama waxa ka mid ah biyaha oo meel walba gaadhey aan go'ayna. Korontada oo meel walba gaadhey 24/7 socotana oon marnaba go'ayn. Xaga tiknoolajiga cusub hore u mar wayn baa laga gaadhay oo waxaad moodaa inay meelaha qaarkoodba inagaga horeeyaan siibana isgaadhsiinta. Cid walba mobile bay haysataa miyi iyo magaalo oo isgaadhsiintu way isku filaatay.
Dhinaca shabakada internet ka waan ka mabsuuday. Inkasta oo wali uuna gaadhin guryaha hadana markaad tagto internet caffe ga waxaad la yaabaysaa sida surcadiisu u badabtahay, loo halayo (reliable), rakhiisna u yahay. Intaasna ogow akhristow dadweynaha ayaa samaystay oo dowladi shuqul kuma laha.
RaysLand (Waa Rays Hotel)
Huteelka Rays ee Borama runtii waan ka mabsuuday. Waxaanan ugu tala galay maqaal gaar ah inaan kaga waramo dul ilaa dacal. Maqaalka ka hor waxa sharaf ii ah inaan u mahad celiyo Mudane Idriss islamarkaana ku hambalyeeyo wanaaga iyo sharafta uu usoo hooyay caasimada Borama.
Shaqada
Ilaha shaqo ee wadanku leeyahay waa dowlada iyo hay'adaha samafalka. Tan iyo markii Cigaal (AU) madaxweyne ahaa waxaad moodaa in si gaar ah dhaqaalaha iyo hore u markaba loogala dagaalamo gobolka Awdal. Markii laga rarey hay'adihii samafalka Borama ee Hargeisa la iskugu geeyey ayey ka bilaabantey burburinta ilaha dhaqaale ee gobolka Awdal. Waanan wada ogsoonahey iney ujeedadu aheyd in gobolo gaar ah la naas nuujiyo oo loo sameeyo ilo shaqo si ey u kobciso dhaqaalaha goboladaa. Taasina waxay dhalisay oo ilaa maanta jirta shaqo la'aan gobolada Awdal iyo Salal oon xad lahayn. Ku biiri xafiisyada dowlada oo dhan oo yaguna yihiin Hargeysa. Natiijadu waxay noqotay oo run ah inay dhalinteenii jaamacadaha kasoo qalin jabiyay shaqo la'aan joogaan Borama. Ilahii dhaqaale hadii Awdal laga mamnuucay sidee loogu talagalay inay dadka reer Awdal iyo Salal shaqo u helaan.....Waa runtii Bahdoone miyayna ahayn "Egal's legacy haunts Awdal."
Ganacsiga
Dowlada S/land waxaad moodaa iney u qoondeysey Awdal iney gobolada u noqoto seylad laga shaqeysto. Dekadaha Awdal si walba ha ahaadaane markii laga mamnuucey in wax laga diri karo waxna laga soo dajin karo ayey ujeedadu aheyd in Berbera uun albaabku noqdo. Taasina waxey keentey garbo duub iyo iney Awdal ku xidhnaato awood cidkale. Hadii aad Lowyacado joogto iyo hadii aad Dilla joogtaba albaabka aduunka kuugu furani waa dekadeyda Berbara... macnaheedu waa garba duub aan xad laheyn.
Taasi waxay dhalisay awood laxaad le oo ay heleen ganacsatada gobolada kale. Awooda badan ee dowlada S/Land ay siisay ganacsatada goboladaa waxay dhalisay oo kale in ganacsatada reer Awdal ku daba faylaan qolooyinkaa awooda gaar ah la siiyay. Waana mid muuqata markaad Borama tagto ood garanayso in hogaanka ganacsigu ku xidhanyahay dadkaa la naas nuujinayo oo ganacsatadii reer Awdal noqotay inay wakiil u noqdaan dadkaa jeebka loo buuxinayo. Meherad laha wakiil u ah reer hebel uun baa nool... kol hadaan ??? midigta ku haysto ...... Akhristow adigay ku jirtaaye sidaad doonto u buuxso...
Diiwaan galinta
Markaan joogay Borama ma socon diiwaan galintu. Dadkuse diyaar bay u ahaayeen qofba si uu u fahamsanyahayba. Waxayna ahayd arin ay sugayeen oo ay ku lifaaqayeen saami qaybsiga iyo wadaaga awooda dowladeed. Waxayse mar walba carabka ku dhufanayeen in ay filayaan in qalad dhici doono hase ahaatee may filayn sida hada wax ay u dhaceen. Waxa wakhti walba aan maqlayay tashwiish kolba lagu furayo dadka oo ujeedadu ahayd in lagu niyad jabiyo si ayna uga qayb qaadan diiwaan galista. Waxa ka mid ahayd tashwiishyadaa in suuqa lasoo galiyay in reer Yurubku waxan wato oo ay qaadanayaan magacda dadka is diiwaan galiya si looga ilaaliyo loogana hor tago dadyowga u tahriibaya Yurub. Waxaanad garan kartaa akhristow baaxida tashwiishkaasi leeyahay iyo niyad jabka uu keeni karo. Waxaase hubaal ahayd inayna dadka reer Awdal dhag u dhigayn waanay muuqatay siday ugu soo baxeen diiwaan galinta.
Waan wada ogsoonahay sida foosha xunle ee wax loo waday. Waan ogsoonahay maamul xumida ka dhacday Awdal iyo barnaamijyada qarsoon ee shirqoolka leh ee soo shaac baxay. Waxaase la yaable shicib waynaha reer Awdal oo diyaar u ah in si fiican loo diiwaan galiyo iyo sida dowladu u diidantahay in tiro sax ah la qaado. Maxaa loo diidanyahay in Awdal tiradeeda saxa la ogaado?
Waxaan la yaabay komishanka oo durba sheegtay inay guul ka gaadheen howlihii ay ka qabteen Awdal. Ma sidaasaa maamulkoodo? Ceeb iyo fool xumo ayay usoo hooyeen dowladay ka socdeen, dadkana dhib iyo rabshad bay u keeneen oon wada ogsoonahay. Komishanku hadii ay wanaag wadeen waxay ahayd inay shaqadooda hore u qabtaan. Waxay ahayd in ay hubiyaan inuu habka wax ay u wadaani yahay mid saxa oo kalsooni leh. Waxay ahayd in ay qalabka hubsadaan ay adeegsanayaan wax walba hortii. Waxay ahayd inay hubiyaan shaqaalahooda tiro iyo tayaba. Waxaanan wali garan kombiyuutarada (Computers) aan ku kululaanin Barbara oo xeeb kulul ah markay usoo talaabeen Awdal na ay sidii baabuurtii hore ee dhiisalka ahayd kululaadeen.
Wakhtiyadan hada la joogo cid walba diiday Awdale talow qalabka qudhiisu ma Awdal diidbaa??? Sida la ogsoonyahay hawshii diiwaangalintu waxay ku dhamaatay in tirada dadka la diiwaan galiyay tahay 40%, Boqolkiiba lixdan baa hadahay. Maxay guul ka gaadheen komishanku? Waxbaa halkaa ka uraya... soo bixi doonana reer Awdalow. Hadii wax la hagaajinayo waxay ila tahay in la hirgaliyo qodobadan:
· Marka howl dad loo magacaabo, hadii ay xilka kasoo bixi waayaan dadkaasi way is casilaan ... waa aduunka fayow... Howshii loo xilsaaray hadii lagasoo bixi waayay malaha waxa ku haboonayd in ay madaxda komishanku is casilaan oo howsha loo dhiibo cidii kale ee kasoo baxaysa.
· Waa in ay dadka reer Awdal diidaan natiijada soo baxday oo ah 40% dadka tirada guud. Waa in ay amraan (codsi iyo baryo iyo niic maaha waayo waxaad xaq u leedahay looma niico) in diiwaan galinta lagu noqdo oo la dhamaystiro yada oo la hubinayo habka, tirada iyo tayada shaqaalaha iyo awooda qalabka ka hor intaan dib loo bilaabin oo waliba isha lagu hayo sida habku u socdo ileen kalsooni luntaye.
· Dowladu waa in ay isha ku hayso fulinta diiwaan galinta si ay u ilaaliso xaqa dadka reer Awdal leeyihiin
Isbadalka siyaasadeed ee aduunka shicibka ayaa sameeya waayo cid ka awood badani ma jirto dadku markay wax wada doonayaan isku duuban yihiina. Reer Awdalow idinkaa ka sareeya Dahir Somaliland. Idinkaa ka sareeya Ismaaciil komishan. Idinkaa ka sareeya awoodaha kale ee idin hirdiyaysa. Idnika oo isku duuban ayaad xaqiina heli kartaan oo hore kali kali wax loogu waa.
Waxaanan ogsoonahay kadib markaan u fiirsaday dadkii badnaa een la kulmay in hadii ay jirto Samaroon wax ay isku raaceen ay tahay inayna Awdal u tirsanayn dowlada, inayna marnaba ka filayn cadaalad dowlada S/Land, sidaa tarteed Samaroonow xaqiina isku duubni ku doonta, waana hubaal inaad helaysaan maxaa yeelay runtu siday tahay Somaliland qudheedu waa Samaroon. Waxaan u jeedaa hadii Samaroon ka dhaqaajo Somaliland jiri mayso oo waxay ku dambayn Isaaqland iyo Samaroonland. Idinkaa isteerinka u hayee bal meel uun ku adkaysta... ku jooga amma ka jooga.
Codsi gaar ah
Intaanan soo gabagabayn qoraalkan waxaan rabaa in aan qurba jooga reer Awdal u sheego arin aan hore loo ogayn oo u baahan kaalmadeena. Waxaad wada ogsoontihiin in caruurta dugsiyada heer walba laga bixiyo lacag. Wadciga maanta jira Awdal iyo Salal way ku adagtahay lacagtaa caruurta laga bixinayo. Mid iyo laba hadii la awoodi karo wixii ka badan reerna ma awoodi karo.
Walaalayaalow waxa jira reero aan xitaa awoodi karayn qof qudha inay ka bixiyaan lacagtaa waxbarashada. Siday dhalin macalimiin ahi iiga warameen amma aan garan karnaba, taasi waxay dhalisay in caruur badan oo walaalaheen ahi waxbarasho shuqul ku lahayn. Waxbarashadoodiina waxay u waayeeni waa sabool ahaan aanay dadkoodi awoodi karayn mid qudha inay waxbarasho u diraan.
Walaalayaal, qurba joogow, waxaan idinka codsanayaa bal inaan ka fiirsano sidii aan u badbaadin lahayn caruurteenaa waxbarashadoodii ku xidhnaatay lacag. Fadlan siday kula tahay akhristow bal ilasoo xidhiidh hadii aad figrad haysana lawadaag walaalahaaga reer Awdal iyo Salal. Waajib bay inagu tahay inaan badbaadino waxbarashada caruurteena. Waa inaan ka damqanaa ereyada aabuhu leeyahay; "iskuul tagi maysid ilmahaygow oo lacag baa la rabaa aan awoodi karayn..." Lacagtaasina waa in ka yar intaan coffee ga ku cabno. Ma intaasaanan la siini karayn caruurteena??? Walaalayaalow bal sidaan ku badbaadin karayno waxbarashada caruurteena igala soo xidhiidha amma sidaan u bilaabi lahayn barnaamij ah "leave no child behind". Ha la helo hab caruurtaa u saamaxaaya inay wax bartaan.
Ankusoo xidho qoraalkan aniga oo u mahad naqaya dhalintii badnayd een la kulmay een iswaydaarsanay macluumaad badan islamarkaana salaan qaali ah u gudbiyo. Samaroon meel wal oo ay joogaana aan xasuusiyo inay Somaliland tahay Samaroon oo hadii uu Samaroon ka dhaqaajo Somaliland u dhamaatay. Taas macnaheedu waxa weeyi isteerinka idinkaa hayee bal dhan uun u qaloocsha oo waliba dhinaca inoo khayr badan u qaloocsha.
Maqaalkani wuxuu soo baxay Nov.26, 2008
Suleyman Cabdi Dugsiiye
Ottawa